Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Cumar C/rashiid, Madaxweynayaashii hore ee Puntland C/weli Gaas Iyo Faroole oo gaaray Boosaaso.[Masawiro]

December 29, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wafdi uu hogaaminayaan Gudoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Cabdiriishiid Yusuf Jibriil, Raysal Wasaarihii Hore Soomaliya Cumar Cabdirishiid, Madaxweynayaashi hore ee Puntland Cabdiweli Gaas Iyo Cabdirixmaan Faroole oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xaeunta Gobolka Karkaar iyagoona isla markii uga sii gudbay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wafdi uu hogaaminayaan Gudoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Cabdiriishiid Yusuf Jibriil, Raysal Wasaarihii Hore Soomaliya Cumar Cabdirishiid, Madaxweynayaashi hore ee Puntland Cabdiweli Gaas Iyo Cabdirixmaan Faroole aayaa waxaa ay kulan la qaadann doonaan Issimada Gobolka Bari Saraakiisha Ciidamka PSF ee uu Gen Maxamuud Cismaan Diyaano iyo weliba Issimada Gobollada Mudug iyo Sanaag oo maalmo ka hor soo gaaray Boosaaso.

Wafdi uu hogaaminayaan Gudoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Cabdiriishiid Yusuf Jibriil ayaa markii ay soo gaareen magaalada Boosaaso waxaa ay booqasho ugu tageen hoyga uu Boosaaso ka degan yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse iyadoo sidoo kale kulanka ay qayb ka ahaayeen Issimada kale ee Gobolka Bari , kulanka ayaa waxaa uu ahaa salaam iyo is bariidin.

Dhinac kale qaar ka mid ah Issmada dhaqanka gobalka Bari ayaa maanta soo dhaweyn iyo kulan qado sharaf ah u sameeyey wafti issimo ah oo Boosaaso u yimid nabadaynta Isismadaas waxaa ka mid ahaa Suldaan Siciid Suldaan Abdilsaan iyo Islaan Bashiir Islaan Abdille.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online