Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland oo booqday Taliska qaybta Gobolka Bari.[Masawiro]

December 12, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dowlada Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo howlo shaqo u jooga Magaaalada Boosaaso ayaa kormeeray Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari.Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/Sare C/qaadir Jaamac Dirir ayaa soo dhaweyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Dowlada Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Booliiska ee Gobolka waxaana uu halkaas kula hadlay ciidamada isaga oo ku booriyay inay ka shaqeeyaan Amaanka iyo ka hortaga wax kasta oo amniga ka hor imaanaya.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Difaaca ayaa warbixin xaalada amniga Gobolka ka dhageystay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari, waxaana la xoojiyay kulamadda amniga looga hadlayo iyadoo Magaalada Boosaaso u diyaar garoobeyso qabashada doorashooyinka Golaha shacabka ee Soomaaliya taas oo horey loogu qorsheyay in lagu qabto laba Magaalo Maamulka kasta.

— Dhamaad—

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online