Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Boosaaso

December 2, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in xaalada guud ee magaaladu ay tahay mid aad u wanaagsan waxaan socda dadaalo meel fiican maraya oo ay wadaan Issimada, Cuqaasha ,Ganacsatada iyo Culimada mana jiraan wax ciidamo ah oo is horfadhiya.

Ilo wareed ku dhow wada hadalka socda ayaa Halgan.net u xaqiijisay in aysan jir wax dhiilo colaadeed ah oo u dhexeeya hadda Dhinacyada kale duwan ee dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada PSF wada xaajoodkuna uu socdo lana rajeynayo inuu ku soo dhamaado guul iyo afgarasho.

Dhinac kale Gudiga Amniga ee maamulka gobolka Bari oo kulan ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso waxay kaga hadleen amniga magaalada ganacsiga Puntland oo maalmahaan ay xaaladi ka taagneyd iyagoo sheegay in howl galo laga bilaabi doona magaalada Boosaaso iyagoona ku amray Ciidamada in ay ku sugnaadaan saldhiyadooda laguna arki karin magaalada gudaheeda marka laga reebo Ciidamada sugaya amniga magaalada Boosaaso.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online