Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 4, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane FEI Shengchao, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyo sidii Labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhaqaalaha si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee Labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha dowrka ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online