Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

December 16, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu, isaga oo uga mahad celiyey tageerada ay dowladda Turkigu la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta, iyada oo la isla meel dhigay ka wadashaqaynta danaha qaran iyo adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Wasiir Cabdisaciid ayaa qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb galaya Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Istanbul, waxaana shirkan looga hadlayaa iskaashiga iyo mustaqbalka xiriirka Dalalka Afrika iyo Turkiga.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online