Xaalada Magaalada Boosaaso iyo kulamad ay wadaan Issimada iyo Culimada ku sugan Boosaaso

December 4, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in xaalada guud ee magaaladu ay tahay mid aad u wanaagsan waxaan socda dadaalo meel fiican maraya oo ay wadaan Issimada, Cuqaasha ,Ganacsatada iyo Culimada mana jiraan wax ciidamo ah oo is horfadhiya iyadoo ciidamada lagu amray in ay ku sugnadaan saldhigyo halka Ciidmaada Booliska ay sugayaan amaanka guud ee magaalada Boosaaso.

Ilo wareed ku dhow wada hadalka socda oo Halgan.net la xiriireen waxaa ay u xaqiijisay in wada hadaladu labada dhinac ay marayaan meel fiican waxaan la isla qaatay in wax walba oo khilaaf ama madmadow ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal.

Issimada, Cuqaasha iyo culimaduna ayaa la sheegayaa in ay kulamo gooni gooni ah ay la yeesheen Madaxda dowladda ee ku sugan Boosaaso iyo Saraakiisha Ciidamada PSF balse ma jiraan weli wax xog ah oo ka soo baxay kulamadaas.

Mar aan wax ka wiidiinay in ay jiraan wax dhiilo colaadeed ah oo u dhexeeya dhinacyadae dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada PSF ayey noo sheegeen in aysan jirin lana rajaynayo in wada xaajoodku ku soo dhamaado maalmaha soo socda guul iyo is afgarad.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online