Ciidanka Booliska Garoowe oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglihii dilay Allah u naxariistee Cabdikaafi Cabdiwaaxid

January 10, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal oo gacanta u soo dhigay dadkii ka danbeeyey dilka aun marxuum cabdikaafi cabdixamiid warsame oo xalay lagu dilay gudaha magaladda Garoowe.

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal oo kaashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha magalada Garoowe ka sameyeen howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeyay dilka marxuumka oo xiliga goobta ka baxsadeen.

Baritaan dheer ka dib waxaa ciidamada alle u fududeyay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo 3 dumara oo eedeysanaha ku wehelinayay dilka marxuumka.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay ciidamada Booliska kuwa Sirdoonka iyo bulshada oo gacan wayn ka gaystay qabashada eedeysanayaasha.

Taliyaha qaybta Booliska ayaa sheegay in cid walba oo fal gaysata aysan ka baxsan doonin ciidamada amaanka waxana uu bulshada uga mahadceliyay sida ay ciidamada ula shaqeyaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online