Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dawladda Puntland oo tababar looga furay dugsiga Xorgoble Qardho.[Video]

January 22, 2022 - Written by Editor

Qardho:-Waxaa dugsiga Xorgoble tababar looga furay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo 2dii sano ee lasoo dhaafay ka shaqaynayay Amniga gobolada Puntland, si gaar ah Gobolada Bari, Sanaag, Nugaal iyo Mudug.

Ciidamadaan ayaa mudada ay ku jiraan dugsiga Xorgoble waxaa lasiin doonaa tababaro guud iyo kuwa khaas ah oo la xiriira, habka baarista iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah Amniga, Ogaanshaha xuuraanka iyo xogta dhagaraha ay qorsheeyaan cidkasta oo amniga Puntland doonaysa in ay khalkhal gelinaysa.

Ciidaankaan oo horay tababar kala duwan u qaatay ayay markaan dawladu doonaysaa in si gaar ah loo diyaariyo, waxaa loo samayn doonaa mudada ay tababarka ku jiraa dhiiri-gelin, dalacsiin iyo abaal-marin ay cidkasta ku mutaysanayso siday dalka ugu shaqaysay.

Daahfurka tababarkaan waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, Taliyaha Booliska Gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Islaan, Duqa degmada Qardho Maxamed Buraale, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qardho Cali Axmed Saciid.

Dhanka Ciidanka difaaca dawlada Puntland Waxa joogay Taliska Guud ee ciidamada difaaca Dawlada Puntland xubno ka tirsan oo ay ka mid Taliyaha Ciidamada Silsilada G/Sare Saciid Nuur Shire, Taliye Qoolaali, Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka karkaar G/Sare Saciid Bakalay, Taliyaha Dugsiga Xorgoble Burhaan Caanood, Macalimiinta dugsiga iyo hawl-wadeenada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online