Golaha Wasiirada DFS oo ka laabatay go’aankii ONLF iyo dhiibistii Qalbi Dhagax

January 23, 2022 - Written by Editor

Muqdiasho:-Kadib markuu ogaaday in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo;
Ka dib markuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia.

Ka dib markay u caddaatay in dhiibistu sharci darro noqonayso haddii aan la buuxin labada shardi ee uu dhigayo qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah:

1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ;

2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin;

Ka dib markuu ogaaday in ururka ONLF aanu marnaba ku sifoobin sharciyada caalamiga ay u qeexaan argagixisada oo dalka kaliya ee argagixso u aqoonsadayna ay tahay Ethiopia oo uu ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo iyaduna hadda ka laabatay go’aankaas, uu haatan ururku si caadiya uu uga hawl-galo gudaha dalka Itoobiya.

Kad bib markuu ku qancay in u dhiibistii Ethiopia loo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) 28kii August 2017 iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 6ii September ee Uruka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso aan loo cuskan wax sharciyad ah ayna baal-marsanayd dhammaan shuruucda kor lagu xusay;

Ka dib markii Golaha Shacabku ee JFS si cad u diiday in ONLF argagixiso lagu tilmaamo iyo in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) loo dhiibo Ethiopia, aanu wali golaha wasiiradu baddalin go’aankiisii uu ONLF ugu daray argagixisada uusanana qirin khaladkii dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Ayuu isku Raacay:

1- In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.

2- In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.

3- In dhiibista CadikariinSh Muuse ay si weyn uga hortimid dareenka iyo mabaadida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.

4- HADDABA Dawladda Soomaaliya waxa ay raali galin ka bixinaysa gefkii lagula Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

5- In ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

—–Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online