Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka oo shir gudoomiyey Shir ku saabsan abaaraha.[Video]

January 31, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa uu maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan abaaraha.

Ujeedka shirka ayaa ahaa ka jawaabida xaaladda abaaraha Puntland ka jira, Shirka waxaa kasoo qeyb-galay dhammaan Masuuliyiinta iyo Wakiilada Hay’addaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Puntland waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la wadaagay Shirka, in Dowladda Puntland ay ka go’antahay ayna dadaal ku bixinayso ka jawaabista Xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhasha Abaaraha iyo garab istaaga Shacabka.

Wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in arrintaasi lagala shaqeeyo Guddiga Abaaraha u xilsaaran iyo Hay’addaha la shaqeynaya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee Puntland, Masuuliyiinta Hay’adda Hadma, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online