Kulan u dhexeeya Culimada iyo Issimada Gobolka Bari oo ka dhacay Hoyga Boqor Burhaan Boqor Muuse.[Masawiro]

January 1, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Culimo’udiinka waaweyn ee ku nool deegaanada Puntland ayaa waxaa ay kulan booqasho iyo xogwaraysi ugu tageen Hoyga uu Boosaaso ka degan yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Kulanka ka dhacay Hoyga Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa kale oo qayb ka ahaa Issimada Gobolka Bari waxaan kulanka culimada Issimadu ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen una taageereen Nabadeynta ay wadaan Issimada iyo Madaxda dowladda Puntland.

Culimada ayaa waxaa ay kula dardaarmeen Issimada in laga shaqeeyo nabada sidii caadiga u ahaan jirtay Issimada iyo in si deg deg ah loo soo afjaro coladii ka dhacday Boosaaso culimaduna ay diyaar ula yihiin Issimada in ay kala shaqeeyaan wax walba oo lagu soo afjari karo coladdii ka dhacday Boosaaso dib danbena aysan u dhicin dhiig macno daro ku dataa.

Kulanka dhexmaray Issimada iyo culimada waaweyn ee ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo guul.

Culimada ka qayb gashay kulanka waxaa ka xusi karnaa

1- Sh Daahir Aw- Cabdi
2- Sh Axmed Daahir
3- Sh Cabdiwaaxid Xaashi
4- Sh Fu’aad Maxamuud
5- Sh Maxamed Cabdullaahi
6- Sh Yaasin Cabdullaahi
7- Sh Axmed Farax Garaase
8- Sh Cismaan Mohamuud Xaaji

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online