Maamulka Gobolka Mudug oo soo bandhiga hub ciidanku ka qabteen Cabtooy.[Masawiro/Video]

January 1, 2022 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu soo bandhigayey Qaar ka mid ah noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen maalmihii la soo dhaafay.

Munaasibadan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta, Gudoomiyayaasha Maxkamada Darajada 1aad iyo Racfaan, Xeerl ilaalinta, Taliyaha Saldhiga dhexe, Agaasimaha Warfaafinta Gobolka, Saraakiil iyo Culimo, Hubkaan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howl galada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada dhaca Bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay munaasibada ayaa Bulshada uga digay qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka isagoona sheegay intaas oo marxaladood in loo aqoonsanyahay Argagixisada iyo cid kasta oo lagu arko, Gudoomiyaha ayaa Shacabka faray in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online