Madaxweynaha Dowladda Puntland oo caawa kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC)

January 13, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Mudane Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in Guddiga Doorashadda lagala shaqeeyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo laga wada hirgelinayo dhammaan degmooyinka Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online