Madaxweynaha Dowladda Puntland oo si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland.[Masawiro/Video]

January 16, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Garoowe.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirwayanaha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhallinyaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wanaagsan kasoo baxaan.

Dowladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madaxweynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Dowladdu hirgelisay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo aysan hore u haysan, Dowladda oo 69% Dhallinyaro tahay , Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo sidoo kale horumarinta Ciyaaraha iyo Garoomada Kubadda cagta Puntland.

Shirwaynaha ayaa lagu soo bandhigay hal-abuurka qaar ka mid ah Dhallinyarada Puntland, oo sameeyay Gawaari, Adeegyo danabeysan iyo agab kala duwan, waxaana lagu dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo hal-abuurkooda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhallinyarada Puntland ugu baaqay ka shaqeynta midnimada, nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo Ku dhawaaqay halku dhigga cusub ee ah Midnimo iyo Nabad. Kulanka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kala qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Ururada Bulshada, Dhallinyarada Puntland oo isaga yimi dhammaan Gobollada iyo marti Sharaf kale .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online