Madaxweynaha Jubaland shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland

January 13, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa saaka waxaa uu shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta lagaga hadlay qodobo kale duwan. Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaaka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimadka ee Dowladda Jubaland ayaa kawar bixisay xaaladda caafimadka ee deeegannada Jubbaland, waxa ay golaha u soo gudbisay in wali ay taagantahay xaaladda Covid-19 isla markaana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan.

Wasaarada Amniga Dowladda Jubaland ayaa golaha usoo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland. waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho kooxaha dhagar-qabayaasha ay isku dayayaan sidii ay ku dhibaateen lahaayeen dadka biramageeyada ah.

Dhinaca kale golaha wasiiradda ayaa ansixiyey heshiis ay wada galeen Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubaland iyo shirkad ganacsato ree Jubaland ay leeyihiin, taasoo maalgashi ku sameeyn doonta keydka shidaalka ee ku dhaxyaala Dekada Kismaayo si loo hormariyo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsantahay Dowlada Jubaland.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland ayaa ay sheegtay in deegaanada Jubaland ay wali ka jiraan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka, gurmadyo kale duwana ay wali ka wado deeganada ay abaaruhu ka jiraan.

—–DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online