Madaxweynaha Koofur Galbeed oo gaaray magaalada Muqdisho.[Masawiro]

January 1, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi casiis Xassan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi casiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu qayb ka noqon doonaa shirka wadatashiga Qaran ee uu Ra’iisul wasaare Roobe ku baaqay maalmo ka hor shirkaas oo Ra’iisul wasaare Roobe uu ku casumaya dhamaan Madaxda dowladda Gobolleedyada dalka.

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi casiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii uu tegay magaalada Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre waxaan ay ka wada hadleen dadaalada la doonayo uu dalka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wararka kale duwan ee ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul wasaare Rooble la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho maalmaha soo socda.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online