Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo daah-furay shirka nabadeynta beelihii ku diriray Saax-Maygaag.[Video]

January 7, 2022 - Written by Editor

Hadhwanaag:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah.

Go’aamadaas oo kala ah:-

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.

3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Dowladu waxay magacaabay gudi kormeera qodobad lagu heshiiyey fulintooda.

5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

DHAMMAAD.

WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online