Mudeynta Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Ee Degmooyinka Qardho Eyl, iyo Ufeyn .

January 18, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka 27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo.
Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto:

1. In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad *Qodobka 22aad ee Sharciga Lambar 7.

2. In isla fadhigaas Gole kasta iska dhex doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iyadoo la raacayo habraaca doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee ku xusan Qodobka 29aad ee Sharciga Lambar 7.

3. Markii doorashadu dhacdo waxaa mar kale la dhaarinayaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka la doortay.

4. Fadhiyada Goleyaashu waxay ka kala dhacayaan: a) Hoolka Beeyada ee Qardho; b) Hoolka Dowladda Hoose ee Ufeyn; b) iyo Hoolka Dowladda Hoose ee Eyl. FG.

Wasaaradda ayaa idin la soo wadaagaysa haddii goobta lagu qabanayo fadhiga Goleyaasha wax iska badalaan.Ugu dambeyn, waxaa laga codsanayaa dhammaan in wakhtiga la illaaliyo.

—-DHAMMAAD—-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.

Comments are closed.

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online