Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo caawa ka dhacay Muqdisho.[Masawiro/Video]

January 7, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa caawa mar kale dib uga furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee looga doodayey arrimaha doorashooyinka iyo dib u sixid hanaanka doorashada.

Shirka Madaxda Golaha wadatashiga Qaranka ayaa waxaa caawa ka soo qayb galay madaxda maamul gobollleed yada dalka , gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Shirka madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shirkaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.

Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka caawa ayaa ku soo dhamaaday jawi degan  iyadoo madaxdu mar kale u balameen in shir kale dib iskugu  soo laabtaan  maalinta beri ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,793 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>