Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo gaaray Saax-meygaag.

January 3, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray deegaannada Sange-jebiye iyo Saax-meygaag. Ujeedada safarka Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa ayaa salka ku haysa sidii xal nabadeed oo waara looga gaari lahaa dirir soo noq-noqotay oo deegaamadaas ku dhexmartay laba beelood oo walaala ah.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa deegaanka Sange-jebiye kusoo dhoweeyey qayb ka mida Isimada Puntland ee ku hawlan dhex-dhexaadinta beelaha walaalaha ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la hadlay Odeyaasha iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay inaanu ka tegi doonin deegaanka illaa xal waara laga gaarayo, maadaama ay dirirtu soo noq-noqotay, sidoo kale aan la aqbali karin in dagaal kasii socdo Saax-maygaag iyo Sange Jebiye Dowladduna ay qaadan doonto doorkeeda kama dambaysta ah ee lagu raadinayo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hoyday deegaanka Saax-maygaag.

—DHAMMAAD —-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online