Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania

January 21, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Jimce ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania Marwo Liberata Mulamula, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha Labada Qaran, iyaga oo aragtiyo muhiim ah iska dhaafsaday iskaashiga Labada Dowladood ee arrimaha Gobolka iyo Qaaradda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Tanzania uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladda aan saaxiibka nahay ee Tanzania ay u fidiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.
Source:Sonna

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online