Madaxweynaha Hirshabeelle kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne

March 28, 2022 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay argagixisadu la bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.
—DHAMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online