Madaxweynaha Jubaland oo qaabilay wafdi ka socda beesha Caalamka .

March 15, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann,Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hada loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho gaar ahaan biyo yaraan daran oo Wali meelaha qaar ka jirta isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan.Xoolaha nool ayuu Madaxweynahu xusay in xalafkii ay u baahnayeen ayna helin taas oo sababtay in xoolo badan ay dhimanayaan bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Jubaland.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan dalka lagaga samata bixinayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid aadan qaar kamid ah golaha wasiirada gaar ahaan wasiirada gargaarka iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale.

—–DHAMMAAAD—

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online