Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi

March 23, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax lagula beegtay magaalada Baladweyne. Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaasi iyo cidii ka danbeysay, wuxuuna ummada Soomaaliyeed iyo Golaha Shacabka JFS uga tacsiyeeyay geerida Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Baarlamaankii 10-aad , hadana u tartamaysay si ay usoo laabato. “Alle ha’unaxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Baladweyne, waxay ka mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaanka 10-aad sida weyn uga dhex muuqday hadana Olole ugu jirtay inay tartanto.

Waxaan cambaareynayaa falkaasi lagu dilay Xildhibaanada iyo cidii ka danbeysay, waxaan Tacsi u diraya dhammaan ummada Soomaaliyeed, Golaha Shacabka JFS, eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyootay. Marxuumada Alle janadii ha geeyo, ehelkeedana Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo.Aamiin,” Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeynaya dhammaan dadkii kale ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaasi.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online