Puntland oo shaacisay Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn,Qardho iyo Eyl

March 31, 2022 - Written by Editor

Ku: Dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl.
Ku: Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar.
Og: Iskuduwayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee 3da Gobolka
Og: Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah – TPEC.
Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Ujeeddo: Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo doorashada Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen degmo kasta. Sidoo kale, waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargelinayaa in ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo.
*Jadwalka.
*Ufeyn.
1. Diyaar garowga Xubnaha 04 – 05 April 2022.
2. Dhaarta iyo doorashada *06 April 2022.
*Qardho.
1. Diyaar garowga Xubnaha 09- 10 April 2022.
2. Dhaarta iyo doorashada *11 April 2022.
*Eyl.
1. Diyaar garowga Xubnaha 12 – 13 April 2022
2. Dhaarta iyo doorashada *14 April 2022.
Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha 3da Degmo.
—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online