Raisulwasaaha DFS oo Cambaareeyey dilka Aamino Maxamed Cabdi

March 23, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Xildhibaanka wuxuu yiri.

Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.

Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.

Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.

Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

—Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online