Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne

March 23, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu eedeeyey in ay dileen NISA.

Qof naftiisa haligay oo isku xiray walxaha Qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamin oo ku sugneyd meel u dhaw Madaxtooyada HirShabeelle ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale qarax labaad ayaa haatan ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooyada HirShabeelle , waxaana hawada ka baxday korontadii magaalada Baladweyne xili ay socotay doorashada doorashada kursiga HOP#011.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacday doorsho adag waxaana lagu loolamayey kursiga Hop#063 , waxaana loo doortay Cabdirisaaq Cabdullahi kursiga ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Cabdullahi Goodax Barre oo ku haray wareegii 1aad.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online