Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo loo doortay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar

April 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa goordhow soo gabagabowday wareegga koowaad ee doorashada guddomiye ku-xigeenka koowaad iyo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Tartanka Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxay murashaxiinta codadka u kala heleen sida soo socota.
1. Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 cod

2. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 cod

3. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 cod

4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod

5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod

6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod

7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod

8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.

9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod

10. Maxamed Cumar Cimow: 4 cod

Tartanka wareega 2aad ayaa waxaa u gudbay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo doorasha deegaankeedu tahay Puntland iyo Maxamed Cali Cumar Caana-Nuug oo laga soo doorto Jubaland ka dib markii ay tanaasuleen Maxamed weli oo hellay 60 cod isagoona u tanaasulay Sacdiyo Yaasiin halka Khadiijo Diiriye oo heshay 21 cod ay u tanaasushay Maxamed Cali Caananuug.

Tartanka Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa isagu soo haray Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo iyagu hormuud u ah xubnaha mucaaradka dowladda Federalka Soomaaliya ee xiligeedu uu dhamaaday waxaan guusha ay raacday Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo noqotay Gudoomiyaha ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online