Madaxweynaha Goboleedka Koonfur Galbeed oo Hambaliyo udirey Gudoomiyaha Golaha Shacabka

April 28, 2022 - Written by Editor

Baydhabo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Hambaliyo udirey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

“Waxaan Hambaliyo leeyahay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Waxaan Rabi uga barinayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay. Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu la garab galo xilka culus ee ugu dhaartay ka shaqaynta Danta Dalka, Dadka iyo Diinta.

Sidoo kale waxa uu xusay Madaxweynaha doorkii Wanaagsanaa ee ay ka qateen Xildhibaanada, Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka inay qabsoonto Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.

Comments are closed.

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online