Raisulwaaraha JFS oo hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka

April 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.


Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah.

Hambalyo ayaan leeyahay sidoo kale xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday.

——Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online