Madaxweynaha Deni oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee JFS Xassan Shiikh Maxamuud

May 15, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxwehnaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan u hambalyeeynaya Madaxwehnaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in alle u fududeeyo Xilka loo doortay.

Waxaan u mahadcelinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS intii codka isiisay iyo intaan isiin, Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiga Doorashadda Madaxweynaha JFS, Labada heer ee Guddiyadii Doorashada Xildhibaanada kasoo shaqeeyay iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ku bixiyey in dalka Doorasho ka dhacdo.

Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, ilaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah inoogu dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan.Guuleysta,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa lafdhabar u noqday Isbedelka dalka ka dhacay, wuxuuna u rajeeyay mid Soomaaliya ku jiheeya nabad, barwaaqo iyo horumar wanaagsan.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online