Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay JanaasadaCabdullaahi Maxamed Shirwac

May 29, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka uga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa Samafale si mutadawacnimo leh ugu soo adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo xusay in uu door weyn ka soo qaatay nabadeynta bulshada, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Shirwac, waxa uu ahaa Muwaadin waqtigiisa u huray xoojinta dowladnimada, nabadeynta iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii ku bixiyey horumarinta arrimaha bulshada”Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

——-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online