Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Sh Cali warsame Xassan

May 31, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Marxuum Sheekh Cali Warsame uu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka, isaga oo dadaal weyn ku bixiyey waxbaridda ubadka Soomaaliyeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco. Marxuumku waxa uu ahaa daaci weyn oo waqti badan geliyey fidinta diinta islaamka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online