Madaxweynaha JFS Xassan Sh.Mohamuud oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.[Masawiro]

May 31, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiraysaa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bulshada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooyinkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horumarsan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda ee ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.

Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweynaha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ayaa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo garab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka, iyaga oo tilmaamay in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnimada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh horumarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online