Raisulwasaaraha DFS oo u hambalyeeeyey umada Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga.

May 1, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga.Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid.

Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda.Munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan waxa ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii hore xilligan oo kale, markaas oo ay dalka ka jirtay xaalad amni yo siyaasadeed oo aad u kacsan taas oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee dalka ka taagneyd.Alla mahaddii sanadkan waxa aan farxadda Ciidda u dabbaal dageynaa, iyadoo howlihii doorashadu soo gaareen heer gebogebo ah, ka dib dadaal iyo shaqo badan aan galinnay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

—– Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online