Baarlamaanka JFS oo codka kalsoonida siiyey Raisulwasaare Xamse iyo Madaxweynaha oo Bogaadiyey

June 25, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhismaha Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.
——–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online