Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo hambalyo u diray Ra’iisul wasaaraha cusub ee XFS

June 15, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo Caawa uu xilkaas u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in Mudane Xamze Cabdi Barre uu yahay shaqsi hufnaan iyo karti u leh gudashada xilka Cusub ee loo magaacay isla markana lagu xusuusto shaqooyinka wanaagsanaa ee uu dalka kasoo qabtay isagoo wakhtigiisa iyo naftiisa u huray shaqooyinka waa weyn oo uu ugu adeegayay bulshada Soomaaliyeed wakhtiyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Alle uga baryay inuu la garan galo shaqada Cusub ee hortaala isagoo ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Jubbaland TV

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online