Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la yeeshay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).[Masawiro]

June 6, 2022 - Written by Editor

Garoowe: -Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlaysidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khudeyso si dhameystiran loogala shaqeeyo Guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo Doorashada goleyaasha deegaanku ay ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online