Madaxweynaha JFS oo kulammo la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema-saarka.[Masawiro]

June 9, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaatay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Masar, Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Mustafa Madbuuli.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo dowladaha ka soo qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleynaayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxdan ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qabsoomtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

—-DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online