Madaxweynaha JFS  oo la kulmay ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka

June 13, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Marwo Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Victoria Nuland oo ugu horreyn madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Abdikadir Ali Dige Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online