Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyey xaaladdiisa Caafimaad.[Video]

June 29, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uuna uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateen.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxa ayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online