Madaxweynaha Puntland oo daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud ee Puntland

June 6, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowladda Puntland.

Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland iyo Kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha Puntland, waxaana ka qeybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowladda iyo Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Dowladda Puntland ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka maaliyadda, waxaana lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyay oo lagu fuliyo dhismaha Wadooyinka Gobollada, Xarumaha Danta Guud iyo mashaariicda horumarin.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online