Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DGPL oo kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug.

June 26, 2022 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuqraadiyeynta DPL mudane Hon. Mohamed A. Dhabancad ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug.

Ujeedka kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo waxgaradka Gobolka Mudug ayaa ku saabsana qodobo dhowr ah oo kala sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka guud ee gobolka, ka jawabida xaalada abaarta ka jirta gobolka Mudug, sidii wax loogu qaban lahaa dadka reer guurraaga ah ee iskugusoo guuray gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada roobku ka da’ay ee la iskugu soo hayaamay ee hoos yimaada degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax,

Odayaasha iyo wasiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii Dowladda Puntland uga qayb qaadan lahayd adeegyada assaasiga ah ee dadka u baahan yihiin sida adeegyada caafimaadka dadka, xoolaha iyo biyaha, wacyigelinta iyo ilaalinta Nabadgalyada dadka reer guuraaga ah ee iskaga soo hayaamay Galmudug iyo Puntland ee daaqa iskugu yimi.

Ugu damayntii Wasiirka iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa isku raacay in laga wada qeyb qaato hanaanka doorashooyinka ee hal qof iyo hal cod ee Golayaasha deegaanka Puntland.

Dhamaad.
Xafiiskiisa Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online