Madaxweynaha Dowladda Puntland oo casho sharaf u sameeyey wafdiga Madaxweynaha JFS.[Masawiro]

August 27, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, La-taliyaha arrimaha dib-u-heshiisiinta ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Awaare, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan labada Madaxtooyo Puntland iyo Soomaaliya.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online