Madaxweynaha JFS oo kormeeray xarumaha Hay’adaha Puntland ee magaalada Garoowe.

August 28, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladda ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo qeybteeda dakhliga, Xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Xarunta Hay’adda maareeynta macluumaadka Biyaha iyo Dhulka IMC iyo Wasaaraha kala ah Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Deegaanka.

Madaxweyneyaasha ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta xafiisyada ay booqdeen, Iyadoo Madaxweyneyaashu ay boggaadinayeen sida shaqooyinka Dowliga ah iyo adeegyada Bulsho ay uga socdaan Puntland.


——Dhamaad——

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online