Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xarunta Madaxtooyada Puntland.

August 28, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa ugusoo bandhigay xarunta Madaxtooyada Shaqooyinka Dowliga ah iyo Mashaariicda ka socda Puntland oo ay ku jiraan adeegyada casriga ah ee Habka danabeysan loogu shaqeynayo Bulshada.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Puntland, La-Taliyeyaasha Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland, Madaxda Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah, Saraakiisha Madaxtooyooyinka iyo madaxda mashaariicda lasoo bandhigay.

Bandhigga shaqooyinka ka socda Puntland waxaa lagu soo bandhigay hab muuqaal ah iyo hab xog qoran ah, sida waxqabadka Dowladda ee saddexdii sano, dayactirka iyo dhismaha Wadooyinka, hirgelinta doorashadii hal qof iyo hal cod, mashaariicda taariikhiga ah ee dekadda Garacad, Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, dib-u-habeynta Ciidamada, Maaliyadda, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , Ceelasha Biyaha ee la qoday, arrimaha bulshada iyo hannaanka casriga ah ee adeega danbeysan ee Golaha Wasiirada.

Dhammaan shaqada socota iyo adeegyada casriga ah ee horumarsan, waa kuwo astaan u ah qaangaarnimada Dowladda Puntland, oo hormuud ugu ah Soomaaliya dhinacyada Dowladnimada iyo Bulshada oo si wanaagsan loogu Adeego.

——-DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online