Golaha Wasiirada JFS oo soo saaray go’aamo dhaxalgal ah

September 22, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

1. Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

2. Waxa uu go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.

3. Waxa uu go’aamiyay in barnaamijka ladagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.

4. Waxa uu go’aamiyay qabashada shir Qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

5. Waxa uu go’aamiyay In la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacagaha sharci darrada la isugu diro iyo la dagaalanka maalgalinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha iyo cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.

6. Waxa uu go’aamiyay ansixinta istiraatiijiyadda guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.

7. Waxa uu go’aamiyay in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2. Wasaaradda Gaashaandhigga
3. Wasaaradda Amniga Gudaha
4. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
5. Wasaaradda Caafimaadka
6. Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
7. Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
8. Wasaaradda Arrimaha dibadda
9. Wasaaradda Maaliyadda:
10. Wasaardda Warfaafinta
11. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
12. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiska
13. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

—–Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online