Madaxweynaha JFS “Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo Himilo oo aad u weyn,Labadiina waa ku Guuleystay”

September 29, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo argagixisada ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira khawaarijta Al-shabaab, ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka go’an tahay xoreynta dalka.

“Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa ka xoreeyo argagixisada iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa ka difaacaya argagixisadan khawaarijta ah. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wada taagan in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada, deegaan kastana kaga kici doonaan, iyagoo isu abaabulay joojinta gumaadka iyo addoonsiga ay ku hayaan argagixisadu dadkeenna la dhibaataysan abaaraha iyo saboolnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u waydiiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure, dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida iyo Halgemyaasha xaq u diririka ah ee ku shahiiday howlgallada xoreynta dalka ee maalmahan socda, waxa uuna u rajeeyey qoysaska iyo qaranka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen samir iyo iimaan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online