Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda dalka Maraykanka

September 17, 2022 - Written by Editor

Washington:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Maraykanka Mudane Antony Blinken in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Dhankiisa Mudane Antony Blinken ayaa adkeeyay sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

———-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online