Madaxweynaha JFS oo magacaabay la taliyihiisa arrimaha xiriirka dowlad Goboleedyada

September 4, 2022 - Written by Editor

Muqdisho, Sebteembar 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta heyadaha dowladda, gaar ahaan xiriirka dowlad-goboleed ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) in uu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.
Madaxweynaha oo ku soo xulay Lataliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka Federaaleynta dalka, kuwaas oo mudnaan gaar ah uu siinayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda.
Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaabay Lataliyaha ayaa dhaqan galay; Axad, 04-ta bishan Sibteembar, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.
DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online